Welcome to the Ministry of Youth and Sports of the Galmudug State

Blog

Shirka Madasha Arrimaha bani’aadanimo ee Dalka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Shirkan oo seddexdii bil mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyo wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si looga hadlo Xaaladda Bani’aadanimo ee Dalka iyo la socoshada iyo sixida hanaanka bixinta gargaarka bani’aadanimo.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul goboleedyada Dalka, madaxda hay’adaha qaramada midoobey, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa aan dowliga ahayn, deeq bixiyeyaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Shirka oo socday maalin badhkeed ayaa lagu lafa guray 2 arimood oo aaad muhiim ugu ah gargaarka kuwaan oo ah:

Daadajinta gargaarka heer Federaal, gobol, Degmo ilaa heer tuulo.

Iyo sixida wada shaqeynta Dhamaan dhinacyada ka shaqeeya gargaarka.

Gabagabadi shirka ayaa waxaa la isku raacay war-murtiyeedka hoos ku qoran:

In la xoojiyo wada shaqeynta iyo xog wadaagga Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka heer Federal iyo Wasaaradaha/Hay’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed.

In laga wada shaqeeyo sidii hoos loogu daadejin lahaa arimaha gargaarka iyadoo la gaarsiinayo heer tuulo si loo dhiso awooda u adkeysiga iyo dhaqso ka jawaabida musiibooyinka dadka heer gobol, heer degmo ilaa heer tuulo.

In la joogteeyo kulamada iyo shirarka si ay taas u noqoto fursadd Aqoon-Wadaag iyo iskaashi Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka heer Federal iyo Wasaaradaha/hey’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed.

Madasha waxay cadeynaysaa in Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay tahay albaabka ugu horeeya ee laga soo galayo wax kasta oo la xidhiidha gargaarka arrimaha bani’aadaminimada iyo maareynta musiibooyinka.

Madashu waxay ka codsatay deeq bixiyeyaasha in ay taageeraan “qorshaha 2019 ee ka jawaabida Saameynta Abaaraha” kaasoo ay si wada jir ah u soo bandhigeen MoHADM-Somalia iyo UN-OCHA taariikhdu markay ahayd 13’kii Luulyo 2019

In bixinta gargaarka sal looga dhigo shuruucda afarta ah ee jiheeya gargaarka Bani’aadanimo kuwaas oo kala ah: Bani’aadanimo, Daacadnimo, Dhexdhexaadnimo iyo Madax banaani.

Madashu waxay isku raacday in Madasha xigta lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamul Goboleedka Galmudug 22’ka Oktoobar 2019.

DF oo Hay’adaha samafalka ugu baaqday in ay u Gurmadaan Dadka Fatahaadaha Saameeyeen

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan la gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmooyinka Dalka.

Mundane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka hey’adaha gargaarka ku leeyihiin bad baadinta nolosha dadka.

Shir jaraa’id oo uu manta Wasiirka ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku faahfaahiyay xaaladaha fatahaadda ee saameeyay deegaannada qaar ee dalka

Wasiirka waxa uu ka hadlay saameynta gaar ahaan roobabkan ku yeesheen degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka wada tirsan goballada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

“Roobka xilliga xagaaga oo aad u batay, si gaar ahna ugu badan Koofurta dalka ayaa sababay in ay butaacaan ama fatahaan, qeybo badan oo ka mid ah dalka. Waxaa taasi ay sababtay in ay timaado xaalad baahi bani aadanimo iyo barakac baahsan oo ay sameeyeen dadka ku nool meelaha ay halista ka dhacday. Goballada saameynta ugu badan gaadhay Waxaa kamid ah shebeellada hoose, shabeellada dhexe. Banadir iyo Meelo ka mid ah Jubbooyinka”. Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga jawaabaan xaaladdan soo cusboonaatay

Waxa uu tilmaamay in dadka barakacay ay qabaan baahiyo kala duwan ee isugu jira dhinaca cuntada, Hooyga.

“Mar haddii ay xaaladda sidaas tahay, waxaa hey’adaha gargaarka ee dalka ka howlgala u farayaa in ay si deg deg ah ay gargaar ula gaaraan meelaha dhibaatada ka dhacday sida Afgooye iyo Balcad, dadka barakacay waxey qabaan baahiyaha asaasiga ah sida cunto, hooy iyo dawo, Wasaarad ahaan waan diyaarsannahay sidoo kale Ayaan ka codsanaynaa hey’adaha in si for fircoon shaqadooda gargaarka ah u gutaan”. Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xamsa Saciid Xamsa,

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu ka hadlay hails cusub oo ku soo biirtay diiwaanka musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya

Mudane Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in dabeylaha oo ku cusub Soomaaliya ay u muuqdaan kuwa isa soo taraya, isagoo si gaar ahna bulshada kalluumeysatada ah uga codsaday in ay ka feejignaadaan dabeylaha xagaaga ee into badan xilliyada oo kale ka dhaca xeebaha dalka.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa ah Wasaarad u xilsaaran ka hortaga, yareynta iyo Maareynta Musiibooyinka, Waxaana Wasaaraddu wadaa howlo baaxad leh oo looga gol leeyahay wax ka qabashada halisyada dalka ka dhaca.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka ku yeeshaan dalka

Wasiirka oo ka qeybgalay shir gaar ah oo uu guddoomiyay sii hayaha ra’isal wasaaraha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jira hadana ay qasab tahay in xoogga la saaro in la sameeyo hab-dhismeedyada muhiimka ah ee ka qeybqaata maareynta iyo ka hortagga musiibooyinka

Wasiirka waxa uu sheegay in kulanka ka dhacay xafiiska sii hayaha uu ku soo aaday waqti muhiim ah marka la eego cabsiyada fatahaado ee ka jira meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya

Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa tilmaamay in wadashaqeyn dhaxmarta dhammaan hey’adaha Dowladda ay wax weyn ka tarayso wax ka qabashada xaaladaha uu dadka masuulka ka yahay iyo kuwa dabiiciga ahba.

“Musiibooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojiya faqriga iyo caqabadaha ku hor-gudban horumar taabba gala oo ay bulshooyinka ay sameeyaan, qiyaasaha oo dhan waxey tusinayaan in qasaaraha naf iyo hanti oo ay musiibooyinka geystaan ay aad u badanyihiin.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in saameynta bulsho oo ay musiibooyinka geystaan gaar ahaanna ay ku yeeshaan dadka taagta daran ay sii murjineyso xaaladda nololeed ee dadkaas iyo sidi ay uga kori lahaayeen faqriga

Isagoo ka hadlayay kulanka saakay kadib, waxaa Wasiirka uu tilmaamay in loo baahanyahay shacab iyo dowladba loo howlgalo sidii loo diyaarin lahaa loona qaadi lahaa tallaabooyinka muhiimka ah ee looga hortagi karo halisyada ka hor inta aanay dhibaato gaarsiin dadka meel ay adagtahay in laga soo noqdo.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha iyo siyaasado muhiim ah oo ay ka mid tahay siyaasadda qaran ee maareynta musiibooyinka oo muhiim ah maareynta iyo kahortagga halisyada dhaca.

Sidookale Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaraddu sameysay kaabayaasha muhiimka ah ee loo adeegsado sii ogaashaha halisyada si looga jawaabo ka hor inta aanay musiibo isu badalin

Wasiirka waxa uu tilmaamay in wadashaqeynta hey’adaha xukuumadda ay ka mid tahay qodobada ka soo baxay kulan muhiim ah oo maanta ka dhacay xafiiska sii hayaha ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa carrabka ku xoojiyay in ka wasaarad ahaan xoojinayaan isu-duwista iyo qaban qaabinta dadaallada kala geddisan oo ay wadaan dhinacyo badan sida dowladda, hey’adaha UN-ta, ganacsatada iyo ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gargaarka.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo Agab ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland
Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo
mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga
Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad-Gobaleedka Puntland
ee HADMA.
Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Md Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.
Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS mudane Mukhtar Sh Xuseen Jimcaale oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad hey’adda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka.
“Farxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.”
Maareeyaha hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda hey’adaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal
Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli hey’adda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka.
Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa hey’adaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda.
Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso hey’adaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka
“Si loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida hey’adaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada,
waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay hey’adahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faa’iideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.”, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba
Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalau xarunta ka digista halis-wadareedka.